Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir u gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb

0
Sunday February 07, 2021 - 18:05:23 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo shir u gaar ah ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb

    Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa ku shireen magaalada Dhuusomareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa ku shireen magaalada Dhuusomareeb
ee caasimadda Galmudug, kadib markii uu fashilmay shirkii iyaga iyo madaxweynaha Soomaaliya kaga arrinsanayeen khilaafka doorashada.
Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynayaashu caawa soo saari doonaan war-murtiyeed ku aadan xaaladda doorashada iyo kaalintooda kaga aadan sidii looga hortagi lahaa in dalka galo jahwareer siyaasadeed.

Waa shirkii ugu horeeyay oo ay madaxda dowlad goboleedyadu u dhan yihiin tan iyo intii aysan siyaasada ku kala qeybsamin, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo ay saacaddo ka harsan yihiin muddo xilleedka madaxweyne Farmaajo.

Puntland ayaa sheegtay caawa wixii ka dambeeya in ay madaxweyne Farmaajo u aqoonsan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayna rajo fiican ka filayaan waxa ka soo baxa shirka magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gogasha shirkan dhigay, ayaa iskudayaya in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada horseed ka noqdaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan in doorashada lagu heshiiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay si kedis ah uga duulay magaalada Dhuusomareeb, waxyar kadib markii lagu kala dareeray shirkii uu lalahaa shanta madaxweyne iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip