Madaxweyne Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Hogaanka Cusub Ee Midowga Afrika

0
Sunday February 07, 2021 - 18:08:06 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Soomaaliya Oo Hambalyo U Diray Hogaanka Cusub Ee Midowga Afrika

    War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay

madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu u hambalyeeyay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki iyo ku-xigeenkiisa Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hoggaamiyeyaasha qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer qaaradeed ee ku aaddan ilaalinta nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip