Dawladda Uganda ayaa xabsiga dhigtay askar tacadiyo u gaystay suxufiyiin ka waramay muranka doorashooyinkii ka dhacay dalkaas
Toddobo askari oo wareeray suxufiyiin ka hawlgala dalka Uganda , ayaa la horgeeyay maxkmada ciidamada milatariga iyo booliska ee dalkaasi , waxaana lagu ridi doonaa xukuno
Af-hayeenka ciidamada sareeyo guuto , Flavio Byekwaso , waxa uu ay sheegtay wargeyska Daily Monitor in askarta oo la horgeeyay maxkmada ciidamada milatariga iyo booliska in lagu xukumo inta u dhaxayso laba ilaa saddex bilood , iyada oo cadeymo loo hayo falka ay ku kaceen .
Waxaana ay sheegtay in tahay arrin u baahan in baadhitaan lagu sameeyo , maadaama oo ay ku xadgudbeen anshaxa ciidamada , 7 askari ayaa iyana qirtay falka ay ku kaceen
Suxufiyiinta waxa la dhibaateeyay iyaga oo ka waramaya dacwad hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine u gudbinayay guddida xuquuqda adaamaha Qaramada Midoobay xafiiskooda magaalada Kampala , waxaana ay dacwadaasi la xidhiidhay , xubno ka tirsan taageerayaasha oo al afduubay
Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Uganda General David Muhaasi, ayaa raali gelin siiyay weriyayaasha ay ciidanka garaaceen, waaana uu sheegay in la baro askarta sida loola dhaqmo suxufiyiinta