Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyadda

0
Sunday March 07, 2021 - 20:52:31 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Maaliyadda

    Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay xarunta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa baadhis ka bilaabay xarunta

 wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo laamaheeda kala duwan.

Baadhistaasi ayaa ka kooban saddexda nooc ee uu xaqiijiyay xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016. Kaas oo kala ah Baadhis Maaliyadeed, Baadhis Waxqabad, iyo Baadhis waafaqsanaanta shuruucda ah kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan saraakiil caalami ah oo u tababaran arrimahaasi.

Sidoo kale xafiiska Hanti dhawrka guud ee qaranka waxa uu baadhis taas lamid ah ka bilaabay wakaaladda dekedaha qaranka, wakaaladda Haamaha shiidaalka, iyo wakaaladda Biyaha ee Berbera. Kuwaas oo dhammaan xaruumahoodu yihiin magaalada Berbera, kuwaas oo baadhitanadooda la waafajin doono xeerka Hanti-dhawrka guud ee qaranka ee xeer lambar 76/2016.

Xigasho ilaysnews.com

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip