0
Saturday April 03, 2021 - 18:53:38 in by Super Admin
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aisha Rosalie, oo 24 jir ah, ayaa shaacisay sheekada nolosheeda dhawr cisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aisha Rosalie, oo 24 jir ah, ayaa shaacisay sheekada nolosheeda dhawr cisho
 ka hor, marka laga soo tago in ay ahayd qof la nooleyd riyadii ahayd in ay Aktarad noqoto ilaa markii dambe ay diinta islaamka ka heshay Istanbul.
Waxaa saameyn ku yeeshay jawiga Masaajidka caanka ah ee Buluugga ah, sidoo kalena loo yaqaan Masaajidka Suldaan Axmed ee ku yaala magaalada Istanbul (Sultanahmet) intii ay ku gudo jirtay socdaalkeedii Turkiga ee laba sano ka hor. Gabadhan yar oo u dhalatay dalka (UK) Ingiriiska ayaa bilawday baadhitaankeeda ku aaddan diinta Islaamka, markii dambena waxay nafteeda u hurtay sidii ay kor ugu qaadi lahayd caqiidada Muslimiinta.
"Kahor intaanan muslin noqon, maan haysan wax diin ah, waxaan se' aaminsanaa inuu jiro illaahay, waxaan xasuustaa yaraanteydii inaan had iyo jeer lahadli jiray ilaahay" ayay tidhi.
Rosalie waxay sheegtay in waalidkeed "ayna Diin haysan", waxayna intaa ku dartay inaysan runti waligeed aqoon dad diin leh ka hor intayna qaadanin diinta Islaamka.
"Markii aan imid Turkiga, ma aannan lahayn ujeeddo ah inaan diin raadsado. Waxaan galay Google waxaanan helay in ay leeyihiin Masjid Buluug ah waxaanan ku fikiray malaha waad soo eegi kartaa ama soo hubin kartaa," ayay tidhi.
Waxay sheegtay in ay "runtii cabsi badani haysay” maxaa yeelay "fikrad fiican kama aan heysan muslimiinta” maadaama oo xogtooda oo dhammi ay nooga timaado warbaahinta reer galbeedka.
"Taasi waxay ahayd nooca kaliya ee fikradda Islaamka ee aan qabay."

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip