Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Caddaalad daro ku tilmaamay Dacwad ka joojinta Cabdirashiid Janan

0
Tuesday April 06, 2021 - 13:32:32 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Caddaalad daro ku tilmaamay Dacwad ka joojinta Cabdirashiid Janan

    Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qoraal xalay warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qoraal xalay warbaahinta

lagu shaaciyay inay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Soomaaliya ay xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan), isla markaana ay Maxkamada gobolka Banaadir aqbashay in gal dacwadeedka Janan la xiro.


Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook soo dhigey qoraal uu ku naqdinayo go’aanka xeer ilaalinta Qaranka ku xirtay dacwadii loo heystay Cabdirashiid Janan isagoo ku tilmaamay cadaalad darro .
Halkan ka Akhriso qoraal uu arintan uga hadlay


Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday.

Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri;"Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”
Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.

Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip