Shirkii Madaxda Dowlada Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Kusoo Dhamaaday Natiijo La'aan

0
Wednesday April 07, 2021 - 18:33:35 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Madaxda Dowlada Federaalka Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Kusoo Dhamaaday Natiijo La'aan

    Shirkii madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir

ee maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii 3aad kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.

"Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo”.

Wasiir Dubbe

Madaxda ayaa dood adeg ka yeeshay ajandaha shirka guud ee madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip