Saddexda Musharrax Ee Mar Kale Ku Tartami Doona Doorashada Madaxtooyada 2020 Iyo Saluugga Shacabka JSL Oo U Oomman Is Baddal Siyaasadeed

0
Thursday September 16, 2021 - 11:41:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Musharrax Ee Mar Kale Ku Tartami Doona Doorashada Madaxtooyada 2020 Iyo Saluugga Shacabka JSL Oo U Oomman Is Baddal Siyaasadeed

    Guddoomiyayaasha xisbiyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Faysal Cali Xuseen iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyayaasha xisbiyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Faysal Cali Xuseen iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

ayaa la filayaa inay doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan 2020 mar kale ku tartamaan si la mid ah sidii ay ugu tartameen doorashadii hore ee 2017.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xooggan ee mar kale ka bilawday xisbiyada Somaliland dhexdooda maadaama la gaadhay sannadkii ugu dambeeyey muddo xileedka xukuumadda, la iskuna diyaarinayo doorashada Madaxtooyada ayaa waxa soo baxaya ifafaale culus oo muujinaya in ay mar kale kursiga Madaxtooyada Somaliland ku loollami doonaan saddexda Guddoomiye ee xisbiyada qaran kuwaasi oo isla doorashadii hore ee 2017 ku tarramayay.

Soo bixitaanta ifafaalaha muujinaya in ay saddexdan siyaasi mar kale doorashada Madaxtooyada ku loollami doonaan ayaa dadka siyaasadda Somaliland falanqeeya waxa ay ka dhex dhalisay doodo culus oo la xidhiidha sida shacabku uga niyad jabsan yihiin saddexdan Masuul oo mid kastaa dhinaciisa u leeyahay dhaliilo kala duwan iyo in aanay mar kale buuxinayn indhaha Shacabka Somaliland ee u baahan is baddal siyaasadeed oo ballaadhan oo lagaga gudbo xaaladaha kala qaybsanaanta qabaliga ah, kuwa siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee dalka.

Inkasta oo marka la eego siinaariyada iyo saansaanta taagan Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi wax yar ku horreeyo saadaasha shacabka ee ku guulaysiga kursiga Madaxtooyada haddana waxa aanay taasi ugu shafeeco qaadayn dad badan oo saluugsan siyaasaddiisa hogaamineed iyo sida uu ugu guulaysan karo in uu u dhiso xisbi Mucaarid oo adag, dhinacyo badanna ka xooggan si la mid ah sidii xisbiga KULMIYE uu Axmed Siilaanyo u dhisay intii u dhaxaysay sannadihii 2003 illaa 2010 illaa uu xisbigaasi ka noqday kii dhulka dhigay ee ka guulaysatay xisbigii ballaadhaan ee UDUB.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhawaan la filayo in xisbiga WADDANI u ansixiyo Musharraxnimada Madaxtooyada ayaa waxa ay dad badani ka dhur sugayaan sida uu xisbiga u dhiso, uguna hubeeyo kaadiriin siyaasiyiin ah oo saamayn weyn ku leh dhammaanba Beelaha Somaliland, sidoo kalena uu isugu wadi karo raggii xisbiga hore wakhtiga badan u soo galiyey iyo kuwa doonaya in ay wakhtigan ku soo biiraan iyada oo la hadal hayo in siyaasiyiin u badan xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay dhawaan xisbigaasi ku biiraan. Waxaanay dad badani hoosta ka xariiqayaan sida uu Cabdiraxmaan Cirro siyaasiyan ugu diyaarsanaan doono in uu ka tallaabsado Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa labaad u taagan, iskuna hallaynaya awoodda dawladnimo iyo tan xisbul muxaafidba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa ay shacabku saluug badan ka qabaan waxqabadkiisa muddo xileedkiisa sii dhammaanaya, sida uu dalka u hogaamiyey iyo in uu mar kale talada dalka ku soo laabto. Waxa dhaawacyo waaweyni soo gaadheen awooddii xisbiga KULMIYE marka laga qiyaas qaato doorashooyinkii dhawaan dalka ka qabsoomay sidoo kale waxa Madaxweyne Muuse Biixi in badani u arkaan siyaasi aan lahayn hal-abuur wax-qabad, mid dad la tashi iyo hogaamin toolmoon oo uu is baddal ku samayn karo taasina waa ta keentay in xataa dad badan oo isaga hore u taageersanaa ay wakhtigan aad u dhaliilsan yihiin.

Ugu dambayn Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo la filayo in uu isku biimeeyo markii Afraad in uu ka qayb galo tartanka doorashada Madaxtooyada Somaliland kadib sannadihii 2003, 2010 iyo 2017 ayaa dad badani u arkaan in ay tahay xaalad jar iska xoornimo ah iyaga oo ku dhaliilaya in ay ahayd in uu waaqaca dhabta ah akhristo ka hor inta aanu mar Afraad hunguri galin maadaama saddexdaa jeer ee horaba uu codadka ugu yar ka keenay doorashooyinka. "Waxa ay ahayd in uu xisbiga ku wareejiyo siyaasiyiin da’ yar oo saamayn keeni kara isna uu noqdo odayga xisbiga oo taariikh kaga fadhiista siyaasadda” sidaa waxa idhi Maxamuud Axmed Warsame oo falanqeeya siyaasadda Somaliland oo la hadlayay wargeyska Foore.

Isku soo wada duuboo lama oga sida shacabka Somaliland hannaan xamaasad leh ugu wajihi doonaan haddiiba ay saddexdan siyaasi mar kale umadda hor yimaaddaan iyo halka ay ku dambayn doonto cabsida laga qabo in dad badani aanay codaynba iyaga oo aan haysan kala doorasho ay codkooda milicda ugu samraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip