Xarunta Kaydinta Dhaqan Ka Ee Hiddo Dhawr Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray, Iyo Fanaanada Sahra Halgan Oo Maal Galisay. Daawo Sawirada

0
Wednesday August 27, 2014 - 16:06:00 in by
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Kaydinta Dhaqan Ka Ee Hiddo Dhawr Oo Maanta Xadhiga Laga Jaray, Iyo Fanaanada Sahra Halgan Oo Maal Galisay. Daawo Sawirada

    Hargaysa (DMN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (DMN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro

Ayaa Manta Xadhiga Ka Jaray Xarun Hidaha Iyo Dhaqanka Somaliyeed Oo Lagu Magacaabo Hiddo Dhawr.Xaruntan Hidaha Iyo Dhaqanka Oo Ay Maal Galisay Fanaanada Caanka Ah Ee Sahra Halgan Oo Taageero Ha Heshay Haayada SBF.

Xaqdhig Kajarida Xaruntani Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro Ahna Gudoomiyaha Xisbigada Waddani, Musharaxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, Wasiirka Wasaarada Dhaqanka Iyo Dalxiiska Somaliland, Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Siciid, Maayirka Caasimada Hargaysa , Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Iyo Waliba Marti Sharaf Kale.

Munaasibada Xadhig Ka Jarida Ayaa Ugu Horeyn Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro waxaana hadaladiisii kamid ahaa "waxaan hambalyaynayaa sahra halgan oo halgankii dheraa markii la guulaystay xagii dhaqankana halgan u gashay,xarumahan oo kale wax ay waxtar u leeyihiin caruuraheena .wax aynu ku soo wada barbaarnay aqal somaligaa waxa aynu u baahanay dhaqankeena dib u soo noolayntiisa,xaruntani wax ay noqotay xaruntii ugu horaysay ee dhaqankeena ina soo xasuusisay ee hargaysa laga aasaasay sahrana waan u hanbalyaynayaa .

dhanka kale wax isna halkaa ka hadlay musharax jagada madaxwene ee xisbiga ucid aqoonyahan Jamaal cali xuseen wuxuu yidhi runahaantiin sari wax ay samaysay xarun loo baahnaa waana ku hanbalyaynayaa dadlkaa ay gashay waa mid loo baahanyahay waana mid aynu ku faani doono, dowladana waxaan leeyahay sahar hala caawiyo oo bajad ha lugu daro waa qof kaliaya oo dadaal balaadhan sameyay.

gaba-gabadiina waxa kulan kaasi soo afmeertay munaasibadaa mulkiilaha xaruntan "waxaan aad ugu mahad naqayaa guruubkaan wada shaqayno gaar ahaan ismaacilcawl waad arkaysaan hidiyo dhaqankii waanu keenay oo qaar baa wali noo soo socda waxaan idil leeyahay ku soo dhawaada mar walba oo caruurtiina keena,cidwalba oo wax ka gaysanaysa waan soo dhawaynayaa hiduhu waa meesha qudha ee kulmisa mucaarid iyo muxaafidba ee aan siyaasad lahayin markaa waxaan leeyahay qof waloow dhinaaaga ka soo gal oo ka soo qayib gal gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa dhalinyaro aad u tiro badan oo ila shaqaysay

 

 Jamaal Cabdi Muxumed
Daadmadheedhnews
Hargaysa Office

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip