Kurdiyiinta Ciraq Oo Sheegay Inay Guul Ka Gaadheen Kooxda Daacish.

0
Friday December 19, 2014 - 17:21:30 in by
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kurdiyiinta Ciraq Oo Sheegay Inay Guul Ka Gaadheen Kooxda Daacish.

    Iraq(DMN)-Xooggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallamaya waqooyiga Ciraaq, ayaa sheegay in ay guul weyn ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan ururka Daacish.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iraq(DMN)-Xooggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallamaya waqooyiga Ciraaq, ayaa sheegay in ay guul weyn ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan ururka Daacish.

Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay jabiyeen go’doomin ay dagaalyahannada Daacish ku hayeen buurta Sinjar ee ku taalla Ciraaq, halkaasi oo tan iyo bishii August ay ku dhuumanayaan kumannaan qof oo isugu jira qowmiyada Yazidiga iyo Ciraaqiyiin kale.
Duulaanka ayaa bilowday saacadihii hore ee Arbacada, waxaana diyaaradaha xulafada ay dusha ka garaaceen fadhiisimo ay xooggaga Daacish deegaankaasi ku leeyihiin.
45 duqeyn oo cirka ah ayaa Arbacadii oo keliya lala beegsaday fadhiisimaha xooggaga Daacish ee ku dhow buurta Sinjar.
Duqeynta kaddib xooggaga Kurdiyiinta ee Peshmerga loo yaqaano, tiradooduna ay gaadheyso 8,000 ayaa deegaanka weerar dhulka ah ku qaaday, waxaana wax ka yar 48 saacadood kaddib ay sheegeen in ay guuleysteen.

140804143414_iraq_kurdi_512x288_reuters_nocredit
War saxaafadeed ka soo baxay taliska Kurdiyiinta, ayaa lagu sheegay in duulaankan ay ku qabsadeen dhul masaafadiisu gaadheyso 700 oo KM isku wareeg ah, isla markaana ay dhabbo u fureen kumannaan ah dadka Yaziga oo ku xayirnaa dusha buurta Sinjar.
War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in tiro badan oo ka tirsan dagaalyahannada Daacish ee deegaanka ku sugnaa, ay u baxsadeen soohdinta dalka Suuriya iyo magaalada Mosul oo ay qabsadeen bishii June.
Daacish ayaa weli gacanta ku haysa dhul ballaadhan, oo xitaa magaalada Sinjar ee dhanka koonfureed kaga beegan buurta, waxaa weli gacanta ku haya Daacish.
In Daacish laga qabsado dhulkaasi ballaadhan ayaa ah mid adag, Kurdiyiintuna diyaar uma ah in ay kaligood isku biimeeyaan qabsashada dhulkaasi.



DaadmadheedhNews.Net
Iraq/Office

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip