Baarlamaanka Hirshabeelle oo meel mariyay guddiga doorashada Madaxtinimada Hirshabeelle

0
Saturday November 07, 2020 - 19:28:13 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Hirshabeelle oo meel mariyay guddiga doorashada Madaxtinimada Hirshabeelle

    Mudanayaasha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kalfadhigooda koowaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kalfadhigooda koowaad kulankiisa 4-aad ku yeeshay magaalada Jowhar waxayna ku ansixiyeen guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

 

Fadhiga maanta ee Xildhibaanada Hirshabelle oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ajandihiisu ahaa meel marinta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabeelle oo lagu waddo in maalmaha soo socda lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.


Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee maanta baarlamaanka Hirshabeelle ansixiyeen ayaa lagu wada in ayagana ay soo saaraan jadwalka doorashada Madaxtinimada Hirshabeelle goorta ay dhaceyso iyo waliba sida ay u dhaceyso xili beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay isku haystaan cidda noqoneyso Madaxweynaha Hirshabeelle taaso mudooyinkii dambe cabashadeedu meel sarre mareysay walina si cad aanan xal looga gaarin.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip