Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo sheegay inuu soo xirmay wajigii koowaad ee shirka ka socda Afisyooni

0
Monday March 22, 2021 - 19:17:50 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo sheegay inuu soo xirmay wajigii koowaad ee shirka ka socda Afisyooni

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay  inuu soo dhamaaday wajigii koowaad ee shirka wadatashiga dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in shirka wajigiisa koowaad uu ahaa akhrinta ajendaha iyo is araga madaxda kala duwan ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay madaxda Puntland iyo Jubbaland oo shirka lagu casuumay in aanay kasoo qeyb galin, isagoo sheegay in dowladda federalka aysan ogayn sababta labada madaxweyne shirka u imaan waayeen.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kasoo baxay ballantiisii ahayd inuu shirka iskugu yeero madaxda siyaasada, isagana uu noqday qofkii ugu horreeyay ee shirka yimaada.

Wasiirka warfaafintu wuu ka gaabsaday su’aalo badan oo ay warbaahinta weydiin lahaayeen, wuxuuna kusoo kooban dhowr weydiimood oo qaarkood uu si kooban uga jawaabayay.

Warar kale oo helayso HOL, ayaa sheegaya in beesha caalamka wado dadaalo ay ku doonayso in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay shirka kasoo qeyb galaan.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip