Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulamaya

0
Saturday March 27, 2021 - 13:38:07 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulamaya

    Maanta oo Sabti ah 27ka bisha Maarso 2021ka ayaa lagu waddaa in ay kulan isugu yimaadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Sabti ah 27ka bisha Maarso 2021ka ayaa lagu waddaa in ay kulan isugu yimaadaan

 xildhibaannada Golaha Shacabka, kaddib fariin loo diray dhamaan xildhibaannada oo lagu wargaliyay in ay kulanka maanta ka soo qeybgalaan.

Sida ku cad fariimaha loo diray xildhibaannada kulanka maanta ayaa ajandihiisu yahay saameynta uu dadka ku yeeshay caabuqa Coronavirus ama Covid 19, oo siweyn sare ugu kacaya gudaha dalka Soomaaliya.

 

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto xildhibaannada qaarkood ayaa kulanka shaki badan ka muujinaya, iyaga oo sheegay in ay madaxtooyada Soomaaliya dooneyso muddo korarsi, waxaana maalmihii ugu danbeeyayba Muqdisho ka jiray kulamo iska soo horjeeda oo ay lahaayeen mudanayaasha Baarlamaanka oo qaarkood ka digay in Golaha la dhax keeno mudo kordhin.

Sidoo kale kulanka maanta ayaa imanaya iyadoo magaalada Muqdisho ay u sugan yihiin dhamaanba hoggaamiyayaasha Soomaalida, waxaana lagu guuldareystay ilaa iyo hadda qabashada kulan wadajir ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka sida ay ku baaqeen bulshada caalamka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip