Ma Dhabbaa In Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Amar Uu Bixiyey Lagu Soo Xidhay Ninkii Ku Tacadiyey Fanaannadda Safiya Tusmo

0
Wednesday March 31, 2021 - 08:17:58 in by abdirizak saleban
  • Visits: 194
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Amar Uu Bixiyey Lagu Soo Xidhay Ninkii Ku Tacadiyey Fanaannadda Safiya Tusmo

    Ciidanka Amaanka ee Degmadda DAROOR JARAR, ayaa gacanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Amaanka ee Degmadda DAROOR JARAR, ayaa gacanta
 ku dhigay nin Dhowaan tacadiyo Iyo dhibaato Xun u geystay Fanaannadda Reer Somaliland Ee Safiya Tusmo.

Ninkan fal dambiyeedka ka galay gabadha caarka, Isla-markaana Hooyadda ah, ayaa Qabashaddiisu ka Dambaysay Amar uu Hargeysa ka bixiyey, kuna socodsiiyey Dawlad Deegaanka Soomaalida ETHIOPIA Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland, Ah-na Suldaanka Guud Ee Beelaha Garxajis Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye.

Amarka Suldaan Daa'uud uu ku socodsiiyey Dawlad Deegaanka Soomaalida ETHIOPIA, ayaa Iyadoo fulinaysa Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayey Ciidamadda Amaanka Ee Maamulkiisu Isla shalay ku Qabteen Degmadda DAROOR ninkaas dambiilaha ah, kaasoo dhuumaalaysi far ku dhuumasho Iyo kolba Geed Isku beeg ku tagay Deegaanka Degmadda DAROOR ee Gobolka JARAR ee Ismaamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA.

Warkan oo ay noo xaqiijiyeen, Isla-markaana aan ka helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, kana agdhow Suldaan Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud ayaa Sheegaya Inuu Suldaanku soo Qabashadda ninkan uu uga Mahadceliyey Xukuumadda Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar) Iyo Ciidanka Amaanka ee Degmadda DAROOR. 

Iyadoo Dhanka kalena Warku intaas ku daray inuu Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ka codsaday Xukuumadda Ismaamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA Iyo Madaxweyahoodda Md Cagjar inay gacanta ka soo galiyaan JSL ninkan Anshax xumadda kula kacay #Safiya Tusmo si Caddaalada loo horgeeyo..

Ninkan ayaa Fal-dambiyeed baalmarsan diinta Islaamka Meel ka dhacna ku ah Dhaqanka Soomaaliyeed, Sharefta Iyo Dhawrsanaanta Karaamadda uu qof bina'aadan leeyahay Kula kacay Fanaannadda Caanka ah ee Safiya Tusmo, Kadib Markii uu Muuqaalo aragoodu aanu Wanaagsanayd oo Fanaannadda ku saabsan ay gacantiisa galeen uguna hanjabay Safiya Tusmo Inuu baahin doono, Isla-markaana ay ka arki doonto baraha Bulshaddu ku Wadda Xidhiidho, Haddii aanay siinin lacag madax furasho. Safiya Tusmo oo iyaddu is hayn jari wayday hanjabaaddaa, Kadib ayaa Iyadoo ooyeysa Warbaahinta ka Haddashay soona bandhigtay Sidda ay wax ugu dhaceen Iyo dareenkeedda la Xidhiidha dhibta soo gaadhay.

Xadhiga Ninkan, ayaa Hadduu dhab noqdo sida ay ilo wareedyaddani sheegeen soo dhowaynaysa Caddaalada uu mudan doono, Maadaama oo uu Gabadh soddoh oo Soomaaliyeed uu Sharefteedda Iyo Karaamaddeeda meel ugaga dhacay Sidda ay Safiya Tusmo u Sheegtay Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn HAMBALYO ayey muddan yihiin Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud Iyo Xukuumadda Ismaamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA ee uu hogaamiyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Khaddar Ali Khum

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip