30 Sanno Iyo Baadi Goobkii Aqoonsiga Somaliland

0
Saturday April 10, 2021 - 11:35:52 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    30 Sanno Iyo Baadi Goobkii Aqoonsiga Somaliland

    Qaybtii 1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaybtii 1aad


 

Mudo 30 sano ah ayaa ii dhamaatay intii aan ka mid ahaa shaqsiyaadka ka qayb qaadanayeybaadigoobka aqoonsiga Somaliland,mar waxaan ka mid ahaa Qurba jooga amase Jaaliyadaha ku nool Yurub ee habeen iyo maalinba u taagan ka midho dhalinta aqoonsiga Somaliland,marka waxaan ka mid ahaa ahaa howl wadeenada Wasaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland,mudo 4 sanood ahna waxaan ahaa Danjiraha u fadhiya Somaliland dalweynaha Shiinaha(China),intaaba waxan raadinayey keliahaan iyo wadar ahaanba in Somaliland noqoto dal la aqoonsan yahay oo ka mid noqda caalamka, waxna la qaybsada,weli ma hayo aqoonsigii aan mudadaa dheer daba socda waayo?.

Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaaqoraalo,taxane ah oo aan kaga hadlayo,30 sanadood ee aanka mid ahaaDowladda iyo shaqsiyaadkii ku mashquulsanaa baadi goobkaaqoonsiSomaliland hesho.

Su’aalo badan,ayaa u baahan in jawaab cad loo lehi,marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland,kuwa ugu muhiimsana waxaaka mid ah:-

 

  1. 30 sanadood,waa maxay sababta hal(1) dal oo dunida ka mid ahi inoo aqoonsan waayey mudadaa dheer?.
  2. Waa maxay caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland mudadaa dheer?
  3. Sax ma tahay dariiqaamase sida aynu aqoonsigau raadinaynayDowlad ahaan iyo Shacab ahaanba mudadadaa 30 sanadood ah?.
  4. Ma dejisan yahay,diyaar ma yahayqorshe loo raaco,oo ku iftiiminaya,aqoonsiga aad doonayso,halka laga doonayo,iyo welib cidii ku dooni lahayd?
  5. Qiimeyn marna ma lagu sameeyey sababto 30 sanadood aqoonsi loo heli waayey ?

Sualahaas iyo qaar kale oo badan,oo aniga iyo adigaba Maskaxdeena ka guuxaya,waxay u baahan yihiin in jawaab loo helo,Ogoowna wax kastaa sabab bay leeyihiin, 30 sanadood inaqoonsi buuxa aanay Somaliland helin,wuxuun baa u sabab ah,in aad sababta toos u beegsato iyo in aad is diidsiiso adiga ayaa goonka iska leh.

 

Hadal iyo dhamaan qoraaladan waxaan si guud ugu eegi doonaa arimaha aan isleeyahay waxay sabab u noqon karaan in Somaliland 30 sanadood baadi goobugu jirto sidii ay aqoonsi buuxa uga heli lahayd Caalamkan aynu ku nool nahay ,kana mid nahay.

 

 

 

La soco qaybta 2aad ..Magaca Somaliland.

ALLAA. M A H A DL E H

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

  1. Abdi Saleiman.

Twitter:@_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip