Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Wax Ka Bedel Iyo KAABISTA xeerka Ururada Iyo Axsaabta Siyaasada

0
Saturday April 10, 2021 - 11:37:40 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Ansixiyay Wax Ka Bedel Iyo KAABISTA xeerka Ururada Iyo Axsaabta Siyaasada

    Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod ku ansixiyey wax ka beddelka
iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee 14/2021-ka, kaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka doodayeen Mudaneyaasha Golahaasi.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa qodob, qodob u ansixiyey Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo ogolaanaya in la furo ururro Siyaasaddeed marka uu walhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira oo Liisankoodu dhacayo 2022-ka.
40 Mudane ayaa ogolaaday in la ansixiyo Xeerkan, waxa diiday 3 Mudane
Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa un la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka.
Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani taageersan ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay coffee ku cabayey, halka kuwo kalena ay ka baxeenba Xayndaabka dhismaha Barlamaanka.
Mudaneyaashan, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda, oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin, isla markaana guddoomiyaha Golahaasi u xil saareen Mudaneyaal Kulmiye oo keliya
Wargeyska Saxansaxo

 
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip