Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada

0
Sunday April 11, 2021 - 21:42:41 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka tirsan golahiisa wasiirada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa xilalkii loogu kala wareejiyay wasiirka Gadiida iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax isna loo wareejiyay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

Isku shaandheyntaan kooban ee uu maanta sameyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo beegmeysa xili uu dhamaaday muddo xileedkii rasmiga ahaa ee Hay'addaha dowladda Soomaaliya.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip