Puntland oo sheegtay in ay ka go'an tahay raadinta xal doorasho loo dhan yahay

0
Sunday April 11, 2021 - 22:13:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay in ay ka go'an tahay raadinta xal doorasho loo dhan yahay

    Puntland ayaa sheegtay in ay weli joogto miiska wada xaajoodka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland ayaa sheegtay in ay weli joogto miiska wada xaajoodka
 doorashooyinka xilli uu istaagay shirkii ka socday xerada Afisyooni kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Puntland iyo Jubbaland in aysan diyaar u  ahayn in doorasho dhacdo.

 
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo kamid ah wafdiga Puntland ee Muqdisho ku sugan  ayaa sheegay Puntland in ay ka go’an tahay raadinta xal doorasho loo dhan yahay.

Wasiir Timacadde wuxuu sheegay in ay dalka ka badbaadinayaan xasilooni darro siyaasadeed, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu kusoo laabto miiska wada xaajoodka.

Si kaste ha ahaatee, lama oga goorta shirka dib la isugusoo laabandoono, inkastoo dowladda federalka ay sheegtay  in Puntland iyo Jubbaland aysan diyaar u ahayn in uu dalku aado doorasho.

Beesha caalamka ayaa mar kale hogaamiyayaasha Soomalida ugu baaqay inay danta qaranka ay wax waliba ka hormariyaan islamarkana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay wadaxaajoodyada dib ugu soo laabtaan

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip