Madaxweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

0
Friday April 16, 2021 - 20:39:12 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii Larry Edward André Jr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii Larry Edward André Jr

 u magacaabay in uu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

 

 

Safiirka cusub ayaa badali doona Donald Yamamoto oo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump u magacaawday safiirka Soomaaliya.

 

Safiirkan cusub Andre ayaa ka mid ahaa diblomaasiyiin sar sare uu madaxweyne Biden magacaabay Khamiistii shalay.

Magacaabistan cusub ayaa imaneysa xili Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo adag dhawaanna Baarlamaanka Soomaaliya uu muddo korarsi labo sano ah u sameeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyna Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjiraha cusub ayaa soo noqday Safiirka Mareykanka ee Jabuuti tan iyo sanadkii 2017, waxaa uu sidoo kale Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip