Madaxweynaha Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Taliyeyaal ciidan kuwa cusubna magacaabay

0
Saturday April 17, 2021 - 17:00:46 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Taliyeyaal ciidan kuwa cusubna magacaabay

    Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe
 ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Hay'adaha amniga Jubbaland.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xilka looga qaaday taliyeyaasha ciidamada Booliiska, ku xigeenkiisa iyo taliyaha guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Wareegtada ayaa sidoo kale loogu magacaabay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska G/S Maxamed Cabdi Sheekh waxaana ku xigeenkiisa laga dhigay S/G Maxamed Guuleed Xasan, taliyeyaashan cusub ayaa badalaya taliyeyaashii hore ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Gabagabadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Taliyaha Nabadsugida maamulkiisa u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, waxaana wareegtada lagu faray dhamaan ciidamada iney la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay.

Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip