Ciidamada booliska Somaliland oo xabsiga dhigay askari gabadh gacan u qaaday

0
Wednesday April 28, 2021 - 15:22:53 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada booliska Somaliland oo xabsiga dhigay askari gabadh gacan u qaaday

    Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in gabadha uu askarigu gacanta u qaaday ay ahayd gabadh Oromo ah.

Booliiska ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday xili ay ciidanka booliisku ku guda jireen howlgal dadka bilaa sharciga ah lagu mastaafurinayay.

Warbixinta ayaa lagu yidhi "wakhtigan Oromada waddanka waa laga mastaafuriyaa sida darteed askariga, ayaa isku dayay in uu qabto nin gabadhan qaba kadibna iyada iyo koox kale, ayaa askariga gacan u qaaday sida ayuuna dhibku ku yimidā€¯

Booliiska ayaa sheegay madama oo sida uu askarigu uga falceliyay arrinka gabadha anay wanaagsanayn askarigii la xidhay isla markaana sharciga la marin doono.

Booliiska Somaliland waxa marar kala duwan lagaga cawda sida ay uga falceliyaan dhacdooyinka qaarkood, waxana jira askar lagu xukumay sanado xabsi ah kadib markii lagu helay danbiyo gacan ka hadal ah

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip