Warbaahinta Dalka Kenya Oo Werineysa In Soomaaliya Iyo Kenya Ay KIISKA BADDA Ka Gaadheen Heshiis

1
Wednesday May 19, 2021 - 20:17:27 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Dalka Kenya Oo Werineysa In Soomaaliya Iyo Kenya Ay KIISKA BADDA Ka Gaadheen Heshiis

    Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaadheen heshiis ay Qatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Kenya ayaa werineysa in Soomaaliya iyo Kenya ay gaadheen heshiis ay Qatar

ka shaqeysay oo ay si siman ugu wadaagayaan dakhliga kasoo xarooda shidaalka iyo gaaska laga soo saaro dhul baddeedka Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.

Wargeyska The Star ayaa qoray inuu arkay warqadaha heshiiska oo dhigaya saami wadaag ah 50:50, kaasi oo la filayo in dhowaan lagu saxeexo Doha, sida uu sheegay.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadal heshiiskan la sheegay, hase yeeshee waxay hore u beenisay in madaxweyne Farmaajo uu kulan ku saabsan arrinta badda Doha kula yeelanayo Uhuru Kenyatta. Waxay sidoo kale sheegtay in kiiska badda iyo xidhiidhka lasoo celiyey ee Kenya ayna isku xidhneyn.

Qatar ayaa saami ku leh shirkadda shidaalka ee Talyaaniga ee Eni, oo shidaal sahmin ka sameyneysa xidhmooyin ku yaalla dhulka ay ku mursan sanyihiin Soomaaliya iyo Kenya, heshiiskaas oo ay la gashay dowladda Kenya.

Shirkadda Qatar Petroleum ayaa sidoo kale heshiis la gashay shirkadda shidaalka ee Faransiiska ee Total, taasi oo iyada oo ay wehliso Eni ay leeyihiin 25% xidhmooyinka shidaalka ee L11A, L11B iyo L12, kuwaas oo aan ka tirsaneyn dhul-baddeedka lagu muransan yahay.

Xidhmooyinka shidaal ee Eni ay ka iibisay Qatar ayaa la rumeysan yahay in cabirkooda uu dhan yahay 15,000 oo isku wareeg feet ah. Qatar ayaa qorsheysay inay shidaal sahmin ka sameyso dhulkaas sannadkii tegay, hase yeeshee ka laabatay qorshahaas ayada oo aan shaacin sababta.

Qatar ayaa laba toddobaad ka hor ku guuleysatay inay dib usoo celiso xidhiidhkii diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya. Si kastaba, diblomaasi Qatari ah oo ku usgan Nairobi, islamarkaana codsaday inaan la magacaabin, ayaa The Star u sheegay in Qatar ayna sidaas u sameyn si ay u ilaashato danaheeda shidaalka ee dhul-baddeedka.

"Waa run in Qatar Petroleum ay 2019-kii iibsatay saddex xidhmo oo shidaal laga sahminayo kuna yaalla badweyne Indian Ocean, kana tirsan Kenya. Si kastaba, xidhmooyinkaas kama mid ahan dhul-baddeedka ay ku loolamayaan kenya iyo Sooomaaliya,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay xidhiidh ganacsi la leedahay labada dal, islamarkaana khilaaf kasta oo dhex-mara aanu u wanaagsaneyn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip