Golaha Wakiilada xubnaha gobolka Sool oo lagu dhawaaqay iyo dabaal deg ka bilaabmay magaalada Laascaanood

0
Thursday June 03, 2021 - 17:54:43 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada xubnaha gobolka Sool oo lagu dhawaaqay iyo dabaal deg ka bilaabmay magaalada Laascaanood

    Rasaas cirka loo ridayo ayaa markeliya ka bilaabantay magaalada Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasaas cirka loo ridayo ayaa markeliya ka bilaabantay magaalada Laascaanood
kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Golaha wakiilada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool.
Dadka soo baxay oo ahaa 12 xubnood ayaa xibiga Kulmiye waxa 5 ayuu helay, Wadanina waxa uu helay 4 halka UCIDna uu helay 3 xubnood, waxaana ka mid ah xubo muhiim ah oo taageero bulshada dhexdeeda ku leh.

Taageerayaasha Yaasiin Xaaji Maxamuuf Xiir iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo labaduba u sharaxan Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa ah kuwa ugu codka badan halka Mukhtaar Ibraahin Xabashi uu yahay ninka soo raaca ee taageerayaashoodu dabaaldega bilaabeen markii ay soo baxday natiijada gudigu soo saareen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira cabashooyin ka imaanaya musharixiinta qaarkood sida hadal haynta suuqa ka muuqanaysa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip