Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo la wareegay inta badan gacan ku heynta degmada Guriceel

0
Saturday October 23, 2021 - 19:51:12 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo la wareegay inta badan gacan ku heynta degmada Guriceel

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saakay ka bilaawday degmada Guriceel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saakay ka bilaawday degmada Guriceel  ee gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna oo horay degmadaasi gacanta ugu haaysay.

 
 
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay weerar dhowr jiho kaga soo qaadeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaana lasoo warinayaa inuu dagaalka geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aaanan la xaqiijin karin inta uu la'eg yahay khasaaraha rasmiga ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ee saakay waabarigii weerarka kusoo qaaday degmada ay goordhow la wareegeen gacan ku heynta Xarunta maamulka degmada iyo waliba Saldhiga Booliska degmada Guriceel oo ka mid meelaha dagaalka uu sida xoogan uga dhacay.

Ciidamada iskaashanaya ee dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa wadooyinka muhiimka ah ee gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo Xarunta maamulka degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Ahlu sunna Waljamaaca.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haatan uu dagaalka xoogiisa uu ka socda dhinaca Bari ee magaalada, waxaana wadooyinka gudaha magaalada isugu soo baxay dad u badan dhalinyaro oo si weyn u hadal haaya waxyaabahii maanta ka dhacay magaalada guriceel oo ay horay uga barakaceen inta badan dadkii ku noolaa degmadaasi.

Majirto wax war ha oo wali kasoo baxay dhinacyada maanta dagaalada qaraari ay ku dhexmarayaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip