War niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska niqaaban

0
Wednesday November 03, 2021 - 14:33:41 in
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska niqaaban

    Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Senator Cusmaan Abuukar Dubbe,  ayaa guddiga doorashada ugu baaqay in wax laga qabto musharraxiinta la imaanaya wuxuu ugu yeeray malxiiska doorashada.

Senotor Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlayay kulan Muqdisho ka dhacay, ayaa sheegay in doorashada oo si qurux badan u dhacda ay muhiim u tahay sharafta dalka, horumarka iyo nabad galyada.

"Waxaan leeyahay war niman yahow doorashada halaga daayo malxiiska, haddaanan malxiiska laga deynayn, war niman yahow halaga daayo malxiiska niqaaban,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan musharraxiinta kusoo baxay kuraasta aqalka sare ay kusoo baxeen doorasho qofkii la tartami lahaa uu musharraxu isagu la yimid.

Doorashooyinka nuucaan ah ayaa ku badnaa dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, halkaas oo inta badan ay musharraxiinta ku yimaadeen iyagoo loo tanaasulay ama la yimid musharrax loogu yeeray malxiis.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip