Qaramada Midoobe Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Itoobiya

0
Saturday November 06, 2021 - 11:25:41 in
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobe Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Itoobiya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay

 in la joojiyo dagaalka muddada sanadka ah ka socda Itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga TPLF.

Golaha ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya naceybka iyo colaadaha, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Waxaa sare u kacay xiisada ka dhalatay kacdoonka Tigreega ee ku wajahan Addis Ababa.

Jabhada TPLF ayaa sheegtay in ay u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa lagu hayo qowmiyadda Tigreega.

Saacado ka hor 9 kooxood oo dowladda Itoobiya ka soo horjeeda ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip