Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho maanta ka furmaya
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada muqdisho.
Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha Amniga, Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada.
Raysal wasaare Rooble ayaa kulamo horudhac ah la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, isagoo kala hadlayay sida ay uga go'antahay inuu dalka gaarsiiyo doorasho lagu kalsoon yahay.
Rooble oo taageero ka helaya beesha caalamka ayaa ku guulaystay inuu madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ku qanciyo in ay kasoo qeyb galaan shirkan, oo markii hore uumugdi ku jiray.
Lama oga tallaabada ay madaxtooyada Soomaaliya qaadi karto, maadaama uu madaxweyne Farmaajo dhawaan shaqo joojin ku sameeyay Raysal wasaare Rooble, inkastoo shaqo joojintaas aysan guulaysan.