Puntland oo sheegtay in casilaada madaxda guddiga doorashada aysan saamayn ku yeelan doonin doorashada qof iyo cod

0
Monday January 03, 2022 - 10:59:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay in casilaada madaxda guddiga doorashada aysan saamayn ku yeelan doonin doorashada qof iyo cod

    Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland
ayaa sheegtay iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka in aysan saameyn ku yeelan doonin in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.
Wasaaradda arimaha gudaha ayaa guddoomiye Guuleed, Ku xigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celisay hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Wasaaraddu waxay sheegtay qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman inuu u soconayo sidii loogu talo galay.

Dhinaca kale guddiga doorashooyinka Puntland oo shalay kulan degdeg ah isugu yimid ayaa doortay guddoomiye kumeel gaar ah iyo ku xigeen, waxayna sheegeen in shaqada guddigu sii socon doonto.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip