Maraykanka oo ku hanjabay ciddii jebisa heshiiska doorashada Soomaaliya inuu tallaabo ka qaadayo

0
Wednesday January 12, 2022 - 10:48:29 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo ku hanjabay ciddii jebisa heshiiska doorashada Soomaaliya inuu tallaabo ka qaadayo

    Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay qaado tallaabo
kasta oo ka dhan ah dib udhaca doorashada oo ay ku jiraan in ay xayiraad kusoo rogaan kuwa masuulka ka ah falalka wax u dhimaya hufaanka iyo geeddi socodka doorashada.

"8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu xilka ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Visaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashadaā€¯ ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda A. Dibadda Mareykanka Ned Price.

Dhinaca kale Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya in ay hannaanka doorashada kusoo gabagabeeyaan marka la gaaro 25ka Febraayo, sida lagu heshiiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Safaaradda maraykanka ayaa sheegtay in laga fogaado wax kaste oo wax u dhimi kara horusocodka dooraahada iyo in ciidamada ammaanku ay dhexdhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada.

Khilaafka doorashada ayaa keenay dib u dhac muddo hal sano ah, waxaana hadda lagu heshiiyay in 25 ka febraayo lagusoo gabagabeeyo doorashada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip