Shirkadda Dahabshiil Oo Dalka Keentay Shiidaal Jaban

0
Thursday March 03, 2022 - 18:57:55 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Dahabshiil Oo Dalka Keentay Shiidaal Jaban

    Warsaxaafadeed: Shirkadda Dahabshiil Oil oo shidaal qiimo-jaban keentay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed: Shirkadda Dahabshiil Oil oo shidaal qiimo-jaban keentay.
Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda Dahabshiil Oil oo tix-gelinaysa duruufaha kala gedisan ee dalka ka jira, waxa ay ugu bushaaraynaysaa bulshada Somaliland in Shirkaddu keentay Shidaal qiimihiisu jaban yahay, taasi oo aannu rajaynayno in ay wax weyn ka tari doonto xaaladda dalka ee sicir bararka wakhtigan jira.
 
Sidoo kale, iyaddo aynu ogsoonahay in qiimo korodh ku yimid qiimaha shidaalka Caalamka, shirkaddu iyadoo ka jawaabaysa baaqii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland, tudhaale ay ka qabto dadkeeda awgeed waxa ay go’aansatay in ay baaqaasi ka jawaabto dadkeedana u raadiso shidaal jaban oo munaasib ku ah duruufaha bulshadeeda.
 
Sidoo kale, waxa aannu ugu baaqaynaa Ganacsatada Shidaalka iyo Kaalmaha Shidaalka iibiya in bulshada ka jebiyaan qiimaha shidaalka, iyagoo tix-gelinaya duruufaha wakhtigan dalka ka jira ee Sicir-bararka iyo Abaaraha. Sidoo kale, Xukumadda waxa aannu ka codsanaynaa in ay cashuurta ka dhinto shidaalka dalka imanaya.
– Allaa Mahad Leh –
Dahabshiil Group

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip