Dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo Maanta Muqdisho ka dhaceysa

0
Thursday April 14, 2022 - 10:23:45 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaarinta Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo Maanta Muqdisho ka dhaceysa

    Maamulka Hirshabeelle ayaa sheeWaxaa Maanta oo Khamiis lagu wadaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheeWaxaa Maanta oo Khamiis lagu wadaa
 in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu dhaarinaayo Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee dhawaan lagu doortay deegaanada maamul goboleedyada dalka iyo magaalada Muqdisho.

 
Xalay ayay aheyd markii la shaaciyay in dhamaan Xildhibaanadda labada Aqal ay soo xaadiraan si ay uga qeyb qaataan munaasabada dhaarinta iyo waliba fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee dalka.

In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaadatay shahaadada Xildhibaanimo ayaa la filaya in saacadaha soo socda lagu dhaariyo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoona la dareemayo diyaar garowgii ugu dambeyay ee ku aadan munaasabadda lagu dhaarinaayo mudanayaasha Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xildhibaanadda labada Aqal ee maamulka Koonfur galbeed laga soo doorta ayaa ka mid ah Xildhibaanada aan wali qaadan shahaadada marka laga reebo sadax mudane kaliya, waxaana la filayaa in Maanta ay gaaraan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay qaataan shahaadada maadama xal laga gaaray tabashadii uu qabay maamulka Koonfur Galbeed.

Amaanka guud ee Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay waxaana ciidamada Booliiska Soomaaliya ay xireen dhamaan wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa Teendhada Afisyooni.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip