Dowladda Kenya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

0
Saturday April 23, 2022 - 19:51:44 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya

    Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta  ayaa u magacaabay Maj Gen Thomas Chepkuto inuu noqdo safiirka cusub ee dalka Kenya uqaabilsan Soomaaliya.

Danjire Chepkuto ayaa ka mid ahaa 24 safiir iyo saraakiil sare oo loo xilsaaray inay dalka Kenya u metelaan dalal kala duwan.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Chepkuto waxa uu hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawada Sare ee Kenya illaa 29ka Juun 2021.

Chepkuto waxa uu bedeli doonaa Lucas Tumbo oo xilkan hayay tan iyo 2015kii.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed sanadkii hore ka dib muddo bilo ah oo xiriirkooda uu xumaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale Benson Mwaliko u magacaabay inuu madax ka noqdo qunsuliyadda Kenya ku leeyahay magaalada Hargesia.

Magacaabida Kenyatta ayaa kusoo aadeysa, 109 maalmood ka hor inta uusan xilka ka degin madaxweyne Kenyatta oo muddo 8 sano ah dalkaas maamulayay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip