Madaxweyne Deni oo ka horyimid masuuliyiin uu magacaabay ku xigeenkiisa Axmed Karaash

0
Monday April 25, 2022 - 22:00:54 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo ka horyimid masuuliyiin uu magacaabay ku xigeenkiisa Axmed Karaash

    Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay dhaqangalka magacaabis uu maanta sameeyay madaxweyne ku xigeenkiisa, Axmed karaash.
Axmed Karaash ayaa maanta sameeyay magacaabistii ugu badnayd ee dhinaca agaasime waaxeedyada, sidoo kale wuxuu magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa yiri "Anigoo ah Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya."

Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa uu qabsado, islamarkaana aanan loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.”

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhowaan shaaciyay inuu si kumeel gaar ah ula wareegay hoggaamintii Puntland, taasoo ka dhignayd in haddii madaxweyne Deni uu isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya inay isaga ku wareegtay masuuliyaddii hoggaamineed.

Siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka Puntland ayaa taageeray go'aanka Axmed Karaash, waxayna madaxweyne Deni ugu baaqeen inuu xilka iska wareejiyo mar haddii uuxil kale raadsaday.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip