Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi

0
Thursday April 28, 2022 - 12:26:13 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi

    Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka
 qabashada doorashada kuraastii ugu dambeysay ee ku harsaneyd maamulka Hirshabeelle oo taalay magaalada Jowhar.

 
Sadaxda kursi ee guddiga ay shaaciyeen doorashadooda ayaa kala HOP 135, HOP 141 HOP 146, waxaana kuraastaasi ku kala fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo haatan ah wasiirka amniga Soomaaliya Abuukar Isloow Ducaale iyo Aamino Maxamed Cabdi oo bishii Maarso lagu dilay magaalada Baledweyne.

Doorashada sadaxdaan kursi ayaa dhici doonto 30-ka bishaan Apriil oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee soo socota, waxaana kuraastaan ay noqon doonaan kuwii ugu dambeeyay ee  kasoo jeeda Hirshabeelle oo la doorto, islamarkaana ah tirada kaliya ee ka harsaneyd guud ahaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Jadwalka Sadaxdaan Kursi:-


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip