Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan doorasho dambe oo dadban

0
Friday April 29, 2022 - 18:48:59 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan doorasho dambe oo dadban

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa barlamaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa barlamaanka

labadiisa aqal ugu baaqay inay dalka ka badbaadiyeen soo laabashada doorasho dad ban, si buu yiri dalka looga badbaadiyo in cid gaar ah awoodda la siiyo.

"Doorashada hadda dhacday oo aan aniga hoggaaminayay waligey imasoo marin midaan oo kale. Sidii la rabaa laga yeeshay. Wixii dhacayna marqaatiyaa ka tihiin. Doorasho dadban oo wada qalloocan ummaddu mid ay kusii jiri karo ma ahan,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

 

 

Raysal wasaaraha waxa sidoo kale uu sheegay, in dalku amni ahaan uu ku sugan yahay meeshii ugu xumayd, taasoo sida uu sheegay ciddii masuul ka ahayd inay ku mashquushay dano gaar ah oo doorasho.

 

Rooble Rooble wuxuu ku baaqay in laga fikiro cidda madaxweynaha noqonaysa, lagana waan toobo in dad talo xun oo isu aragta mulkile ay talada dalka wax ku yeeshaan.

Raysal wasaaraha ayaa dalkaan ka sheegay isagoo xalay ka qeyb galayay dood arrimaha doorashada ku saabsanayd oo twitterka lagu qabtay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip