Soomaaliya oo dib Safaaraddeeda uga furatay Dalka Rwanda

0
Friday April 29, 2022 - 18:50:08 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo dib Safaaraddeeda uga furatay Dalka Rwanda

    Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib Safaaraddeeda uga furatay dalka Rwanda,  iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

 

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ahayd Safiir "ma degane ah".

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April, iyadoo la qaadatay kulan lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada waddan.

Soomaaliya ayaa xoojinaysa xiriirka kala dhexeeya Rwanda, waxayna tallaabadan qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda Soomaaliya ee dalal dhowr ah, sida ay sheegtay danjire Sahro.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip