Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe

0
Saturday April 30, 2022 - 15:25:17 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe

    Muqdisho, Abriil 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Abriil 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda
 Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta
DHAMMAAD


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip