Raysal wasaaraha Soomaaliya oo soo saaray amar ku socda Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadiisa

0
Monday May 23, 2022 - 10:25:33 in
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal wasaaraha Soomaaliya oo soo saaray amar ku socda Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadiisa

    Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  ayaa soo saaray amar ku socda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo la xariira isbadalo ay Wasaaradda ku sameysay ama shaqada uga ceyrisay qaar ka mid ah Shaqaalaha dowladda aanan waafaqsaneyn go'aanka Golaha Wasiirada.

Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse in laga bilaabo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan shaqaalaha dowladda ee la badalay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsanen go'aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Raysal wasaare Rooble ayaa aha mid si toos ah ugu socday Wasiir Cabdi Saciid Muuse oo lagu faray in dhamaan shaqaalihii la bedelay dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, islamarkaana dib loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa la faray dhamaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkaan kasoo baxay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dhameystiran:-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip