
Ciidanka Booliska Oo Xidhay Xalay Milkiilaha Muqaaxida SIMA Oo Ay Ka Shaaheeyeen Hoggaanka WADDANI Iyo Musharrax Cirro Oo Cabaareeyey Xadhigaas
oo uu tagay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga iyo saraakiil kale.
Ciidanka Booliiska ayaa maqaaxida tagay kaddib markii xubnaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ay ka tageen, waxaana falkaas cambaareeyay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa.
"Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisa laga qaado oo xabsiga loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan caawa shaah ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Musharaxa Xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa xarigga ku sifeeyay mid kamid ah ficillada caburinta Dadka ka aragtida duwan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.
"Ayaan darro ka weyni ma jirto in Xukuumadda muddo xileedkeedii sii dhammaanayo xeeladeedi iyo xooggeediina ku soo ururisay xadhigga xaq-darrada ah, waxa ay tani muujineysaa in ay lumisay kalsoonidii Shacabka, anniga oo si adag u cambaareynaya xadhig xaqdarrada ah,waxa aan ugu baaqayaa Xukuumadda in xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso muwaadinkaa maalgashadaha ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cirro.
Laamaha ammaanka Somaliland faah-faahin kama bixin xabsiga ay dhigeen Milkiilaha Maqaaxida SIMA, axsaabta mucaaradka ayaa Xukuumadda ku dhaliilay in ay caburineyso Dadka ay u aragto in ay ka aragti duwan yihiin.
Ciidanka Booliska Oo Xidhay Xalay Milkiilaha Muqaaxida SIMA Oo Ay Ka Shaaheeyeen Hoggaanka WADDANI Iyo Musharrax Cirro Oo Cabaareeyey Xadhigaas
Booliiska Somaliland ayaa xidha Xalay Milkiilaha Maqaaxida SIMA